Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Oo saaka lagu weeraray Magalada Muqdisho.
April 2, 2017 - Written by

Gaadhi ay la socdeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa saaka lagu rasaaseeyay Xaafada Xamar Bile ee degmada Wardhiigley, xilli ay ku soo wajahnaayeen goobtooda shaqo.

 

Dabley hubeysan oo gaari wadatay ayaa gaariga ay la socdeen shaqaalaha ku rasaaseeyay meel ku dhow saldhiga Wardhiigley, kaddibna baxsaday.

Hal ruux oo ahaa darawalka Gaariga ayaa geeriyooday, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, sida ay dad goob joogayaal ah xaqiijiyeen.

Darawalka dhintay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi Dheere, waxaa ka bad baaday weerarka labo kale oo saarnaa gaariga.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in subax walba uu gaadiid ka soo qaadi jiray degmada Wardhiigley, kaddibna u kaxeyn jiray xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Weerarkan saaka lagu qaaday shaqaalahan, ayaa ku soo beegmaya, maalin kaddib markii Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu xilka Wasaaradda kala wareegay Wasiirkii hore Maxamed Aadan Fargeeti.

COMMENTS