Raysal Wasaaraha Somaliya oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha
September 5, 2016 - Written by

Raysal Wasaaraha Somaliya  Cumar Cabdirashiid  cali Sharma’arke oo  Maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Muqdisho(GLN)_Wararka ka imanayaa casimada Somaliaya ee muqdisho ayaa sheegay in maanta Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu goor dhow ku dhawaaqay inuu yahay musharax taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Raysal  Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu daqiiqado ka hor ku qabtay magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaasoo uu u joogay olole ku aadan musharaxnimadiisa iyo taageero uu Beesha Caalamka ka raadinayo.

Waxaa hore u jiray  hadal heyn ku aadan inuu yahay musharaxiinta ugu culus ee u taagan xilka Madaxweynaha somaliya, waxaana uu loolan la geli doonaan Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh maxamud oo hada talada dalka somaliaya gacanta ku haya.

Sikastaba ha ahaate Raysal wasaare cumar cabdirashid ayaa Oloolan adag la gali doona musharaxiin tiro badan oo u tartaami doona xilka madaxtinimada somaliya

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS