Wargays daabacaaddii joojiyay markii weriye laga dilay
April 3, 2017 - Written by

Wargays ka soo bixi jiray dalka Maksiko ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo saxafiyiintiisa iyo sida aan loo ciqaabaynin dadka ka dambeeya dhibaatada in ay ku qasabtay in uu joojiyo daabacaaddii.

Wargayska Norte de Ciudad Juarez ayaa sheegay in nuqulkii Axaddii uu u dambeeyay daabacaaddiisii.

Si kastaba ha ahaatee wargaysku wuxuu sheegay in uu Online-ka ku sii shaqayn doono.

Miroslava Breach oo wargayska uga shaqaynaysay magaalada Chihuahua ayaa toogasho lagu dilay bishii hore.

Waxay ka mid ahayd saddex weriye oo bishii Maarso lagu dilay dalka Maksiko.

Miroslava Breach ayaa ahayd weriyihii saddexaad ee Maksiko lagu dilo bishii MaarsoLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMiroslava Breach ayaa ahayd weriyihii saddexaad ee Maksiko lagu dilo bishii Maarso

Breach ayaa si joogto ah uga warami jirtay xiriirka ka dhexeeya dambiyada abaabulan iyo siyaasiyiinta gobolka Breach iyada oo wararkaas u gudbin jirtay wargayska Norte de Ciudad Juarez iyo La Jornada oo ah wargays uu fadhigiisu yahay caasimadda dalka Maksiko.

Breach ayaa siddeed jeer xabbad lagu dhuftay iyada oo ku jirta gaarigeeda oo taagan bannaanka gurigeeda.

Mid ka mid ah carruurteeda ayaa gaariga la saarnaa laakiin xabbaduhu kuma dhicin.

Dadkii toogtay ayaa dul dhigay waraaq ay ku qorantahay “carab dheeridaada”.

Saxafiyiinta ayaa wadooyinka ku mudaaharaaday ka dib markii Breach la dilayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSaxafiyiinta ayaa wadooyinka ku mudaaharaaday ka dib markii Breach la dilay
Sources;Bbcsomali

COMMENTS