Howl wadeeno ka shaqeynayay Talaalka Polio oo lagu afduubtay Gobolka Gedo Ee Soomaaliya.
April 4, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya Shaqaale caafimaad oo ka shaqeynayay Talaalka lagu afduubtay meel 15KM u jira Luuq.

 

Taliyaha Saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay afduubkan inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isagoo sheegay in dadkan aysan aheyn shaqaale toos ah, balse ay ahaayeen dad nolol maalmeedkooda ka raadsanayay shaqo ay qabtaan.

Dadkan

Waxaa uu sheegay in qaab joornaati maalinle ah ugu shaqeynayay Heyโ€™adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, balse aanay aheyn shaqaale rasmi ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalahan lala aaday deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab, waxaa uu tilmaamay inay ahaayeen dhamaantood Soomaali.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la sheegin ayaa muddo shan maalmood oo joornaati ugu shaqeynayay Heyโ€™adda WHO.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan ka mamnuucay heyโ€™adaha sama falka, sida kuwa gargaarka iyo caafimaadka, waxaana horay u diideen howlaha Talaalka Polio-yada oo ay sheegeen inuu yahay qorshe reer galbeedka ku ciribtirayaan taranka dadka soomaaliyeed

COMMENTS