War Deg Deg ah; Laba Qof Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Magalada Muqdisho.
September 5, 2016 - Written by

Laba Qof Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Magalada Muqdisho.

Muqdisho(GLN)_Wararka ka imanayaa magalada muqdisho ayaa sheegayaa in Qarax wayni ka dhacay  Wadada maka Al- mukaraam ee magalada muqdisho,

Qaraxan ayaa ka dhashay gaadhi wadada marayay, inta la ogyahay laba Qof  ayaa ku dhintay iyadoo gaadhiga uu soo gaadhay bur bur xooggan, isla markaana uu gubtay.

Sida ay Sheegayaan Dad goob joogayaal  qaraxan ayaa waxa uu ka dhex dhashay gaadhiga wadada marayay, loona maleynayo in walxa qarxa meel kale looga soo Hagayey.

qaraxan ayaa saameyn wayn  ku yeeshay dhaq dhaqaaqii wadada iyo ganacsiga ka Jira.

Sida la Sheegayo Ciidamada ammaanka Somaliya  ayaa goobta gaadhay, kuwaasoo xidhay wadada, waxaana halkaas ka socda baadhitaano.

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS