Raashin La Gaadhsiiyay Qoysas Soo Gaadhay Duleedka Baydhabo
April 4, 2017 - Written by

heekh Ilyaas Cali Nuur, ayaa tilmaamay in baahida ay dadku qabaan ay aad u baahsan tahay, gurmadka soo gaarayana uu yahay mid aad u kooban

Deeq raashin, ayaa markii ugu horeysay la gaadhsiiyay laba boqol oo qoys, oo si xun ay abaartu ugu saamaysay deegaano hoos yimaada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoysaskan, ayaa ka soo barakacay Deegaanada Qoriile, Lowgaduud iyo Boorame, oo dhammaantood hoos tagga Magaalada Baydhabo, iyagoona qoysaskan dib u dejin loogu sameeyay xeryo laga sameeyay duleedka Baydhabo.

Qoysaska deeqda la gaarsiiyay, ayay xaaladoodu aad u liidataa, waana markii ugu horeysay oo deeq ceynkani oo kala ah la gaarsiiyo, tan iyo markii ay soo gaareen duleedka Baydhabo.

Madaxa Hayโ€™adda Qalam, Sheekh Ilyaas Cali Nuur oo isagu deeqdaasi gaarsiiyay qoysaskaasi, ayaa sheegay in ay u soo wakiisheen walaalo kala joogga

buu yiri dal iyo dibadba.

Sheekh Ilyaas Cali Nuur, ayaa tilmaamay in baahida ay dadku qabaan ay aad u baahsan tahay, gurmadka soo gaarayana uu yahay mid aad u kooban.

Sheekh Ilyaas, ayaa markale dadka Somaliyeed xusuusiyay in abaaraha dalka ka jira ay sababeen xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana uu ugu baaqay in ay ka war qabaan nolosha adag ee dadkoodu wajahayan.

 

Xigasho: universaltvsomali.

 

COMMENTS