‘Kiimiko lagu weeraray’ magaalada Idlib oo ay ku dhinteen 58 ruux
April 5, 2017 - Written by

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhimatay dad kale ayaana ku dhaawacmay weerar laga shakiyay in kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ay jabhaduhu haystaan oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen koox la socota arrimahaas.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.

Intaas ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dooda.

Dawladda Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan.

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billawday lix sano ka hor.

Khariidad
Shaqaalaha gurmadka degdega ah waxay sheegeen in carruur badan ay ku jireen dadka ay dhibaatadu soo gaartayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionShaqaalaha gurmadka degdega ah waxay sheegeen in carruur badan ay ku jireen dadka ay dhibaatadu soo gaartay
Qolyaha hawlahan la socda ee mucaaradka ah ayaa sheegay in ay weerarkan gasteen diyaaradaha Ruushka ama kuwa SuuriyaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQolyaha hawlahan la socda ee mucaaradka ah ayaa sheegay in ay weerarkan gasteen diyaaradaha Ruushka ama kuwa Suuriya
Qolyahana xaaladda Suuriya la socda ee mucaaradka ah way xaqiijin waayeen nooca kiimiko ee la adeegsadayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionQolyahana xaaladda Suuriya la socda ee mucaaradka ah way xaqiijin waayeen nooca kiimiko ee la adeegsaday
Shaqaalaha gurmadka degdega ah oo ku neefsanaya hawo oksajiin ah ka dib markii uu caawiyay dad looga shakiyay in kiimiko lagu weerarayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShaqaalaha gurmadka degdega ah oo ku neefsanaya hawo oksajiin ah ka dib markii uu caawiyay dad looga shakiyay in kiimiko lagu weeraray
Sources;Bbcsomali

COMMENTS