Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Mooshin ka dhan ah Saldhiga Imaaraadka Carabta Ee Magalada Berbera Laga Dhisayo.
April 5, 2017 - Written by

Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka doodaya mooshin ka dhan ah Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Magaalada Berbera, kaddib markii Guddoonka Baarlamaanka dhowaan loo soo gudbiyay mooshinka.

Mooshinkan oo todobaadyadii u dambeeyay diyaarintiisa ay ku howlanayeen Xildhibaano badan ayaa sida muuqata waxay sare u sii qaadi doontaa xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Dalalka Imaaraadka Carabta ,Somaliland iyo Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hor uga digay heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee dekeda iyo dhismaha Saldhig Milateri, iyadoo Imaaraadka uu sii xoojinayo galaan-galkiisa ku aadan la macaamilka Xumumada Somaliland.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulanka maanta uu qeyb ka yahay mooshin laga keenay Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo magalada Berbera, waxaana la filayaa in Xildhibaanada dood kulul ka yeeshaan, kaddibna gaba gabada ay noqoto mid cod loo qaado mooshinkan kaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo hor-jeesatay heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Xukumada Somaliland ee saldhiga Milateri ee Berbera, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay heshiis halis ku ah Midnimada Soomaaliya sida ay Hadalka U dhigeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo bishii February booqasho rasmi ah ku tagay Sacuudiga, ayaa Madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlay sidii Imaaraadka carabta ugu qancin lahaayeen inay ka baaqsadaan saldhiga milateri ee ay ka dhisanayaan magalo xeebeda Berbera.

Xukumada Somaliland ayaa hor ugu dhawaaqay in ay ka goโ€™ay Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay inay yihiin dal madax banaan oo xaq u leh in heshiisyo la galo Shirkadaha caalamiga ah inkasta oo anay somaliland Beesha caalamka Aqoonsi ย Rasmi ah ka helin.

COMMENTS