War Deg Deg ah;5 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Xooggan Oo ka Dhacay Maqaayad ku Tala Magalada Muqdisho
April 5, 2017 - Written by

 

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay maqaayad ka soo hor-jeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Ee Magalada Muqdisho.

Maqaayadan oo bur bur xooggan uu ka soo gaaray qaraxa, ayaa ku dhegan Dugsigii Yaasiin Cusmaan ee degmada Boondheere, kuna dhow Taalada Daljirka Dahsoon.

Qaraxan ayaa waxyeelada ugu badan ka soo gaaray dad wadada marayay oo saarnaa gaari, kuwaasoo ay ku jireen arday dhigata Jaamacadda City.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay wadada dhinaceeda, waxaa maqaayada aheyd mid lagu qaxweeyo oo laga cuno cunto fudud.

Maqaayada uu qaraxa ka dhacay ayaa sidaa uga fogeyn Xarunta Wasaaradda Amniga oo ku taala gurigii uu degenaan jiray Maxamed Dheere ee degmada Shingaani.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata maqaayadaha, iyadoo baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ku weerarta.

COMMENTS