Ururka Alshabaab oo sii daayay shaqaale caafimaad gobolka Hiiraan
April 7, 2017 - Written by

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in  ururka Al-Shabaab uu xalay  saqdii dhexe sii daayay shaqaale caafimaad oo Arbacadii gelinkeedii dambe ay ka wateen deegaanka lagu magacaabo Caluula Cad oo 10 KM u jira magaalada Baladweyne.

 

Dadkan la sii daayay ayaa waxaa ay kala ahaayeen labo arday oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeynayay hay’ada Cerelba,wadihii gaarigii ay la socdeen iyo kalkaaliye caafimaad.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in aan la sii dayn dhakhtar  kamid ahaa shaqaalah ay Alshabaab ka kaxeysteen duleedka magaalada Beledweyne.

Ururka Alshabaab ayaan hase ahaatee weli sii deyn shaqaale caafimaad oo uu ka qafaashay deegaan kamid ah gobolka Gedoee dowlad goboleedka Jubba.

Dadka Degaanka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen Dr. Xasan Madoobe.

COMMENTS