XUKUMADA KENYA OO DIB U BILAWDAY DHISMAHA GIDAARKA AY ISKAGA XIDHAYSO XADKA SOOMAALIYA.
April 7, 2017 - Written by

Dowlada Kenya ayaa maanta Ciidamo faro badan soo Dhoobtay degmada Ceel-Waaq ee Gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya halkaasii oo ay Dib uga Bilowday Dhisamaha Darbiga ay ka dhisayso Xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya.e5e9ddbb5e00525d185f23eff8fbe830bc3eea7e

ย 

Ciidamada Militariga Kenya oo Wata Gaadiidka Dagaalka iyo Cagafo ayaa maanta 18-km gudaha u soo galay Dalka Soomaaliya waxaan halkaasi ay ka Bilaabeen Dhisamaha Gidaar laga Dhisayo Soohdinta Labada Wadan.

Boqolaal Shacab ah oo Caraysan ayaa Hor istaagay Gaaadiidka Dagaalka oo ay Wataan Ciimada Militariga Kenya ee Magacooda loo soo gaabiyo KDF ee doonaya inay sii balaariyaan Dhismaha Darbiga.

Aadan Cabdi Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciimada Xooga Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Ciidamada Kenya ay Xadgudub ku sameeyeen Dhulka Soomaaliya islamarkaana ay maanta Dhisamaha ka Bilaabeen Duleedka Degmada Ceel-waaq.

COMMENTS