WAR DEG DEG AH; MAXAKAMDA GOBOLKA MAROODI JEEX OO LABA SANO XADHIG AH KU XUKUNTAY WARIYE CABDIMAALIK MUUSE COLDOON.
April 8, 2017 - Written by

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo gacanta ku haysay dacwad loo haystay wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxa natiijada kasoo baxda dacwadaasi oo saaka loo ballansanaa ay maxkamaddu goordhawayd xukun kasoo saartay kiiska loo haystay Wariye Coldoon oo muddo ku dhaw laba Bilood ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Waxaana maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay saaka ku dhawaaqday natiijada iyo xukunada ay kasoo saartay kiiskaa ay gacanta ku haysay.

Waxaana maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa ay saaka si rasmi ah ugu dhawaaqday in Wariye Coldoon lagu xukumay muddo Laba Sano oo

xadhig ciqaabeed ah iyada oo dhinaca kalena laga daayey ganaaxii la socday xadhigaasi.Waxaana xukunkaa Xadhiga ah ย uu ka bilaabmayaa maanta oo bishu tahay 08-04-2017.

Dhanka kalena qareenadii u doodayey Wariye Coldoon ayaa ka dhawaajiyey in arrinkan uu yahay mid siyaasadaysan isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan xukunkan ay soo saartay Maxkamaddu.
Gabagabadiina xukunkan Labada Sanno ah ee lagu xukumay Wariye Coldoon ayaa salka ku haya kadib markii eedaymo ay Xeer Ilaalinta Somaliland kusoo oogtay Wariye Coldoon oo ay ku jireen inuu taageeray Madaxwaynaha Somalila mudane Farmaajo iyo waliba inuu Bartiisa Facebook-ga ku aflagaadeeyey afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

 

COMMENTS