War Deg Deg ah: Qarax xooggan oo Goor dhowayd ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Soomaaliya.
April 9, 2017 - Written by

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhaxay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

 

Sida ay sheegayaan wararka kolonyada ciidan ayaa ka soo baxday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo maanta ay ka dhacday munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka iyoย Abaanduulaha Ciidamada xoogga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kolonyada ciidan la weeraray, markii ay ka soo baxeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, markii ay soo gaba gabowday munaasabada xil wareejinta.

Uuro iyo qiic ayaa laga arkayay goobta qaraxa ka dhacay oo ku dhoweyd xarunta Wasaaradda Gaashaandhiggay

Lama ogaย saraakiisha la bartilmaameedsaday cida ay ahaayeen iyo magacyadooda, waxaase la soo warinayaa inuu jiro khasaare.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

COMMENTS