In ka badan 30 Qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Kaniisado ku taal dalka Masar.
April 9, 2017 - Written by

Illaa 36 ruux ayaa lagu dilay qaraxyo lala beegsaday labo kaniisad oo ku taal dalka Masar, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar.

 

Qaraxa hore ayaa ka dhacay kaniisad ku taal magaalada Tanta oo 94km waqooyi kaga beegan Caasimada Qaahira, waxaana ku dhintay illaa 25 ruux.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay banaanka kaniisad ku taal magaalada Alexandaria, halkaasoo iyana 11 ruux ay ku dhinteen.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay gudaha Kaniisad, xilli dadka kirishtaanka ah ee laga tirada badan yahay ay cibaadeysanayeen maanta oo Axad ah.

Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 40 ruux, waxaana mas’uuliyada weerarkan sheegatay kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ama Daacish

Wadaadka baadariga Pope Francis oo lagu wado in dhowaan uu booqdo dalka Masar ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradan.

COMMENTS