Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
April 9, 2017 - Written by
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo safarka uu maanta dalka uga ambabaxay ay tahay safarkiisii afaraad ee dibada uu ugaga baxo dalka tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya horaantii bishii Febraayo.
Booqashada uu ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaan si rasmi ah aysan dowladu ugaga hadlin hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in booqashadiisu ay la xiriirto sidii uu madaxda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaa arrimo la xiriira dhismaha saldhiga milatari ee magaalada Berbera.
Waxaa la rumeysan yahay in Boqortoyada Sacuudi Carabiya ay dooneyso in ay dhexdhexaadiso labada dowladood maadaama labad dalba ay yihiin wadamada sunigga ah.
Khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu salka ku hayaa xiriirka tooska ah ay la yeelato dowlada Imaaraadka Carabta iyo shirkadaha xarumaha ku leh dowlad goboleedyada dalka.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay aad u diidan tahay heshiiska dhex maray dowlada UAE iyo maamulka Somaliland ee ah dhismaha saldhigga ay ka samaysanayo magaalada Berbera.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaal mooshin ka dhan ah dhismaha saldhigga milatari ee magaalada Berbera. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa aad u dhaleeceeyay dhismaha saldhigan laga dhisayo magaalada Berbera.
Imaaraadka Carabta ayaa labadii sanno ee u dambeeyay fara gelin toos ah ku hayay Soomaaliya, waxaana ay xiriir dhow la lahaayeen ,madaxdii hore ee Soomaaliya, oo qaarkood ay taageerayeen ololihii doorashada oo dhaqaale fara badan ku bixiyay.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadeysa, xilli labo maalin ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareegayo Dekeda Boosaaso, laguna ballaarinayo.