CIIDAMADA AMISOM OO WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA FEDERAALKA KA HORJOOGSADAY HAWL MAALMEED
April 12, 2017 - Written by

Wasiirka Gargaarka ee XFS, Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta loo diiday inay gudaha u gasho gudaha Garoonka Aadan Cadde, si ay uga qeyb gasho Kulan ay kula ballansanayd Madaxda Xafiiska EU-da ee Arrimaha Somalia.maryan-qaasim

Masuuliyiin ayaa sheegay in Ilaaladda AMISOM ee ku sugnaa Albaabka Madina Gate si mutuxan ugu diideen Wasiir Maryan inay ka gudubto Albaabka, waxayna ku doodeen inaan lagu soo wargelinin Fasax ay iyadu ugu oggolaadaan inay u gudubto Qeybta ay deggan yihiin Ergadda EU-da.

Wasiir Maryan Qaasim waxay aad uga carootay hab-dhaqanka Ilaaladda AMISOM oo iyaga u muuqday inaysan lahayn Dhaqanka Asluubaysan ee lagu maamuso Madaxda XFS.

Wasiirka Gargaarka Aadminimadda ee XFS, Drs. Maryan Qaasim waxay Barta ay ku leedahay Twitter-ka soo dhigtay Qoraal 2 qeyb ahaa oo ay ku bidhamisay gefka aan garowshiyadda lahayn ee Askarta AMISOM ugu diideen inay u gudubto gudaha Garoonka Aadan Cadde.

COMMENTS