Daawo: Muxuu yahay Ikhlaasku Ama Daacadnimada Camalku? [MIDHAHA DIINTA]
April 14, 2017 - Written by maamule

Xilliyadan dambe waxa aad loo arkaa dad dadaal badan ku bixinaya sidii ay u muuqan lahaayeen, loo hadal-hayn lahaa is la makaana looga sheekayn lahaa. Waxa laga yaabaa in dadkaas uu ku jiro qof sadaqada si fiican u bixiya oo tabarucaadka ku fiican, laakiin uu shaydaanku niyaddiisa ku beero ha lagu arko oo la yidhaahdo: “Hebel waa faxal si fiican wax u bixiya.”

Sidaa darteed, muuqaalkan kooban ee MIDHAHA DIINTA waxa aad si fiican ugaga bogan doontaan “Muxuu yahay Ikhlaasku Ama Daacadnimada Camalku?

Waxaana soo jeedinaya sheekh Maxamed sheekh Cumar Dirir. Ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiyo. Ku soo dhawaada oo ka faa’idaysi wanaagsan.

midhahadiinta@gmail.com

Gacanlibaaxnews.com

COMMENTS