Diyaaradihii Qaadka ka Keeni Jiray Kenya Oo Aan Saaka Soo Cago Dhigaan Magalada Muqdisho.
September 6, 2016 - Written by
Diyaaradihii Qaadka ka Keeni Jiray Kenya Oo Aan Saaka Soo Cago Dhigaan Magalada Muqdisho.
Muqdisho(GLN)_
wararka ka imanayaa magalada muqdisho ayaa sheegaya in Diyaaradihii subax walba qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaa maanta shaqo la’aan ku dhacday, kadib markii xukumada Soomaaliya ay shalay si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Qaadka.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanayaa garoomada diyaaradaha jomo Kenyatta iyo Wilsan oo inta badan ay ka soo kicitimaan diyaaradaha qaadka keena Soomaaliya ayaan saaka ka soo kicin.
In ka badan 30 diyaaradood ayaa maalin walba Muqdisho iyo gobolada kale waxay geyn jireen kumanaan Jawaano qaad ah oo Ganacsatada ay ka soo dhoofin jireen waddanka Kenya.
Diyaaradaha ayaa tagi jiray magaalada Muqdisho, Baydhabo, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Laascaanood, waxaana durbaba muuqda inuu dhaqan galayo go’aanka sida KMG ah ay xukumada Soomaaliya ku joojisay qaadka ka imaan jiray Dalka Kenya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa shalay sheegay in go’aankan in uu yahay mid quseeya dhamaan garoomada diyaaradaha Soomaaliya oo dhan ku yaalla sida u Hadalka U dhigay.
Ganacsatada Qaadka iibisa ayaa durbaba arrintan ku beertay walaac wayn, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay heyn shaqo kale, isla markaana ay tahay halka ay biilka uga raadsadaan carruurtooda.
Sanadkii 2006 ayay aheyd markii Midowgii Maxkamadaha Islaamka Oo ka Talin jiray Koonfurta iyo Badhtahama Somaliaya ay mamnuuceen Keenida Qaadka Kenya Gud ahaanba Goboladii ay Gacanta Ku hayeen.
Sikastaba ha ahaate go,aanka ay xukumada somaliya ku joojisay Gud ahaanba Qaadkii ka Iman jiray kenya ayaa ku soo Beegmay xili Mudooyinkii danbe u Si Xumanaayey Xidhidhka U Dhexeya somaliya iyo kenya.