QOYS SOOMAALI AH MUDDO TOBAN SANO AH KALA MAQNAA OO DIB U MIDOOBAY
April 14, 2017 - Written by

In badan oo dadka soomaalida ah ayay kala irdheeyeen colaadaha iyo abaaraha ka jira geeska afrika.three-of-abdiwahab-elmi-s-four-children-left-behind-in-ethopia

Hooyo Faadumo Macalin waxa ay degan tahay dalka Canada, waxaana wehelinaya saygeeda oo lagu magacaabo Abdiwahab Elmi, balse waxa aanay muddo ku dhaw toban sano indho saarin afar caruur ah oo ay dhaleen oo deganaa dalka soomaaliya.

Hooyo faadumo iyo saygeeda ayaa muddo dheer baadi goob ugu jiray sidii ay dib ugula midoobi lahaayeen ubadkooda, hasayeeshee iminka waa u suurto gashay oo iyaga oo bad qaba ayay socdaal ku tageen dalka Canada oo ay hooyadood iyo abaahoodba degan yihiin.

Faadumo macalin oo ay Hareero joogaan ย 50 qof oo isugu jira shaqaalaha diyaarada iyo dadkii wehelinayay ayaa oohin qabsatay markii ay indhaheedu arkeen caruurteedii oo diyaaradda ka soo degaya, waxaanay si dareen farxeed ku dheehan tahay dhulka isugu tuurtay.

โ€œWaan faraxsanahay, waxa dalka Canada noogu yimid caruurtayada, waanu soo dhaweynayโ€ ayuu yidhi Cabdiwahaab Macalin.

Dhawr bilood ka hor ayay bilaabeen qoyskani in ay dhaqaale weydiistaan dadka si ay uga caawiyaan in ay dib ula midoobaan caruurtoodii.

Afarta caruur ah ayaa mid mid u soo abaaray dhinacii ay ka xigeen hooyadood iyo abaahood, ka dib markiia y diyaaradii siday ka soo dejisay garoonka Saint John Airport.

Waa ii farxad runtii waan faraxsanahay ayay tidhi hooyo faadumo Macalin.

COMMENTS