Maamul Goboleedka Puntland oo deegaanadeeda ka mamnuucday urur diimeed La Magaca-Baxay Saaciduun Bil Xaq
April 15, 2017 - Written by

Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in deegaanadeeda ka mamnuucday urur diimeedka la magac baxay Saaciduun Bil Xaq, kaasoo dhowaan lagaga dhawaaqay dalka Masar, isla markaana faracyo kale ku yeeshay dhulka Soomaalida.

 

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Garowe uu ku qabtay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/llaahi fara weyne oo ay dhinac fadhiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada C/fataax Xaaji Aadan iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Jen, Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in go’aan ay ku garaeen in laga mamnuuco kooxdan deegaanada Puntland.

Cumar Fara weyne ayaa sheegay in dhamaan hey’adaha amniga Puntland lagu wargeliyay inay tallaabo ka qaadaan kooxdan, lana xiro xarumaha ay ku leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay shacabka gobolka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna u soo sheegana kooxdaan cusub xarumaha ay leeyihiin, waxaana uu wacad ku maray inay sharciga horkeeni doonaan.

Urur diimeedkan cusub ee lagu magacaabo Saaciduun Bil Xaq ayaa lagaga dhawaaqay dalka Masar, waxaana durbaba laga soo dhoweeyay Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe, iyadoo culimada Soomaaliyeed ay bayaan ka soo saareen qatarta urur diimeedkan oo ay sheegeen inay yihiin Kooxdii takfiirka oo magaca bedeshay.

Todobaadkii hore ayaa Ciidamada Booliska Somaliland waxay xubno ka mid ah ururkan ku xireen magaalada Hargeysa, kuwaasoo ka mid ahaa kooxdii ka soo muuqatay muuqaal la soo bandhigay oo lagu taageerayay Ururka cusub ee Saaciduun Bil Xaq ah.

COMMENTS