Ciidanka AMISOM oo beenisay war ka soo baxay Al-Shabaab oo ahaa in 5 askari Ugandes ay dileen
April 16, 2017 - Written by

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ahaa askar ka tirsan kuwa UGanda ku dileen qarax miino oo jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye.

 

Taliska AMISOM ayaa beeniyay warka Al-Shabaab, iyagoo sheegay in aysan jirin askar ka mid ah oo waxyeelo ka soo gaartay qarax.

AMISOM ayaa xaqiijisay in qaraxaย lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidkooda, balse waxaa ay meesha ka saareen inuu jiro khasaare soo gaaray.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay Kooxda u qaabilsan miinooyinka ay kala fur fureen labo ka mid ah miinooyinka dhulka lagu aaso.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada ku sheegay inay 5 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM, gaar ahana kuwa Uganda ay ku dileen qaraxa.

 

COMMENTS