Qarax miino oo duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay la socdeen Shaqaale UN
April 16, 2017 - Written by

Qarax miino oo dhulka hoostiisa la geliyay ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasoo marayay duleedka Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa miino lala eegtay ay la socdeen shaqaale ka tirsan heyโ€™adda WFP, waxaana la sheegayaa in gaariga uu ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa miino uu ka dhacay agagaarka deegaanka Km13, waxaa la sheegay in gaariga aanay waxyeelo soo gaarin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo carruur barakacayaal ah oo ku sugnaa agagaarka deegaanka KM13.

Duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla xerooyin la dejiyay dadka ka soo barakacay abaaraha, halkaasoo heyโ€™adaha sama falka ay gargaar ugu geeyaan.

COMMENTS