Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Qaarada Afrika Oo Muqdisho Ku Sugan Iyo Kulamo Uu La Qaadanayo Madaxda Soomaaliya
April 17, 2017 - Written by

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Afrika Axmed Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada muqdisho ee caasimada dalka Somaliya.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta qaarada Afrika ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Muqdisho waxa soo dhaweeyey wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dawlada somaliya, madaxda xidhiidhka kubada cagta somaliya, ciyaartooyo sitay boodhadh lagu dhajiyey sawirada gudoomiyaha iyo caruur xidhan garamaan lagu dhajiyey sawirka madaxweynaha ururka CAF.

Madaxweyne Axmed Axmed ayaa booqday qaar ka mid ah garoomada kubada cagta ee magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo inuu kulamo la qaato madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa.
Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee Afrika ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey CAF ee booqda dalka somaliya wixii ka dambeeyey burburka, waxaana la filayaa inuu masuuliyiinta somaliya kala hadlo sidii loo horu marin lahaa ciyaaraha.

COMMENTS