War Deg Deg ah;Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku dhacay Xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho.
April 18, 2017 - Written by

Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ayaa galabta ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada H/wadaag, kaasoo la sheegayo inuu geystay khasaare kala duwan.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen xaafada Shanta-Geed ee degmada H/wadaag, isla markaana uu ku habsaday guri dad rayid degenaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in koox hubeysan oo gaari wadatay ay madaafiic ka dhex tuureen gudaha degmadaas.

Ma Cada halka uu bartilmaameedka madaafiicdan uu ahaa, waxaana socda howl gal ciidamada ammaanka ay wadaan, kaasoo lagu baadigoobayo kooxihii madaafiicda soo tuuray.

Axadii ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka ay toogteen labo nin, kuwaasoo madaafiic ka riday degmada Wadajir, waxaana ciiamada gacanta ku dhigeen qorigii hoobiyaha madaafiicda ka rideen iyo gaari yar ay wateen, kaasoo markii dambe qarxay.

 

COMMENTS