Al Shabaab Oo Deegaanada Ay Ka Taliso Ka Mamnuucay Waxbarashada Aan Islaamiga Ahayn
April 20, 2017 - Written by

Malayshiyada Al Shabaab ayaa waalidka Soomaalida uga digay in ay carruurta ku daraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Afhayeenka Al shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo soo duubay cajal 26 daqiiqo ah ayaa sheegay in carruurtu ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kali ah, maadaama oo kuwa kale aaney wanaagsanayn oo sida uu hadalka u dhigay carruurta ku dhaliyaan in ay qiimo layeelato Kiristaannimada iyo in ay u haajiraan reer Galbeedka.

Wuxuu sheegay in cid kaste oo ka qaybqaadata waxbarasho faafinaysa dhaqanka reer Galbeed in ay la kulmi doonaan cawaaqib.

Garabka waxbarashada iyo arrimaha dhallinyarada ee Al Shabaab ayaa bishan horraanteedii soo saaray manhaj cusub oo

luuqaddii Ingiriiska ku badalaya Carabi.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al Shabaab ay isku dayayso in ay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, ayna rabaan in ay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka ku dhisan.

Al Shabaab ayaa wali maamusha qaybo badan oo dhulka Soomaaliya ah waxayna weerarro ku qaadaan qaar ka mid ah dalalka ay dariska yihiin.

ย Source BBC-Somali

 

COMMENTS