War Deg Deg ah;Dab ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho
April 20, 2017 - Written by

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa qeybo kamid ah goordhow uu dab ka kacay iyadoo halkaa ay gaareen kooxaha dabdamiska si loo damiyo dabkan.

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabkan uu ka kacay qeybta maacuunta ee suuqa Bakaaraha hase yeeshee lama oga heerka uu gaarsiisan yahay qasaaraha ka dhashay dabkan.
Suuqa Bakaaraha ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ka kacayay dab iyadoo ay tahay markii labaad ee uu dab qabsado qeybo kamid ah suuqa sanadkan 2017.

COMMENTS