Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Magalada Baydhabo.
April 23, 2017 - Written by

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo, halkaasoo xarun KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed.

 

Warar ay ka heleyso Jowhar.com magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha ay la xiriirto xaaladaha nabadgelyo, mid baniโ€™aadanimo iyo arrimo kale.

Diyaar garow xoog leh oo lagu soo dhoweynayo ayaa ka socda magaalada, iyadoo ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa xiray waddooyinka magaalada, iyadoo la joojiyay isu socodka gaadiidka, waxaana meelaha qaar loo diidayaa inay dadka socdaan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Baydhabo ayaa noqoneysa tii u horeysay ee gudaha dalka uu ku tago, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horaantii bishii February.

Sanadkii 2012 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu booqashadiisa u horeysay ee gudaha dalka ku tagay Baydhabo, xilligaasoo xilka loo doortay.

COMMENTS