Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay qarax ka dhacay Buuraha Galgala
April 23, 2017 - Written by

Illaa lix askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegay in lagu dilay qarax miino oo ka dhacay buuraha Galgala, halkaasoo ciidamada ay saldhig ku leeyihiin.

 

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Puntland oo marayay Galgala ayaa la kacday miino dhulka hoostiisa lagu aasay, iyadoo miinadan laa sheegay inay aheyd kuwa taangiyada loo dhigo.

Taliska Booliska Galgala G/Dhexe C/raxmaan Faarax Gurxan ayaa xaqiijiyay geerida askarta, isagoo tilmaamay in qaraxa lala bartilmaameedsaday mid ka mid ah baabuurta ciidamada saarnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in askar ku dhaawacantay qaraxa loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa saldhig ku leh Buuraha Galgala, halkaasoo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday ciidamada Puntland, ayna ku dishay lix askari.

COMMENTS