Meydadka Dad Soomaali ah Oo lagu diley duqeyn ka dhacday Dalka Yemen oo aan weli la aasin.
April 25, 2017 - Written by

Meydadka dad gaaraya 42 ruux oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo ahaa Soomali lagu diley duqeyn ka dhacday xeebaha dalka Libya 26kii bishii March ayaan weli la aasin.

 

Waalidiinta iyo dadka qaraabada la ah Soomaalida ku dhimatay duqeynta ayaa waxa ay ka codsadeen markale in dowlada federalka ay wax ka qabato lana aaso meydadka isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkooda lala xisaabtamo.

Hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dalka Yemen ayaa sheegaya in la qorsheynayo in meydadkan la aaso toddobaadka soo socda.

Mudada intaa la eg, weli meydadkii lama aasin, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Cali Yare oo ka tirsan heyโ€™adaha ย diiwaangeliya qaxootiga Soomaaliyeed.

Soomaalida lagu diley duqeynta ayaa saarnaa doon ku sii jeeday dalka Sudan waxayna u badnaayeen dhalinyaro dooneysay inay u sii tahriibaan dalalka Yurub.

Duqeyn ay geysatay xilli habeenimo ah diyaarad aan la garanayn ayaa waxaa ku dhintey 42 ruux oo doonta saarnaa iyadoo ay ku dhaawacmeen 14 kale, waxaana la sheegay in dadka dhaawaca ah ay hayaan hayโ€™ado ay ka mid yihiin UNHCR, ICRC iyo IOM

COMMENTS