GUDIDA TAAKULAYNTA ABAARAHA IYO WASAARADDA CAAFIMAADKA OO BULSHADA SOMALILAND U DIRAY FARIIMO WAKHTI ROOBAADKA
April 27, 2017 - Written by
Shir ay maalmihii u danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka, iyo Guddida Abaaraha ee heer qaran ku lahaayeen Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlaayey sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, ka dib markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Iimaamada Masaajidada iyo Culimada dalka ugu baaqay inay Khudbadaha Jimcaha kaga hadlaan muhiimada Nadaafada si loo xakameeyo cudurada faafa ee ka dhalan kara goobaha biyo fadhiisinada ah sida Baliyada iyo Baraagaha.
Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed Wasirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu yidhi “Waad ka war haysaan walalayaal Abaar baynu la tacaalaynay Todobadii bilood ee u danbaysay, qaranka Somaliland wuxuu dhammaantii ku jiray heegan isagoo kaashanaya Ganacsatadiisa dadweynihiisa kala duwan, Xubnaha Bulshada iyo hay’addaha Caalamigaa kuwa Islaamigaa ama caalamigaa wixii waxtar aynu ka helnay intaba, waxaynu gaadhsiinaynay Todobadaa biloodba dadkeena abaaraysayn ee abaartu ku habsatay oo ay ugu horeeyaan Gobolada Bariga, imikana aynu rajaynayno in Raxmadii Ilaahay inoo da’ado horaanteediina aynu hayno”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu shirku daarana muhiimadana lagu saaray “ Waxa runtii maanta shirkeenu daaranaa sidii looga wada tashan lahaa loona xakamayn lahaa Cudurada faafa, haday tahay Shuban Biyood haday tahay Kaneeco IWM oo runtii marka abaartu dhacdo ama dadku Nafaqo beelaan ay inta badan ku dhacdo, markaa meel fiicana waa noo maraysaa aad iyo aad bay Wasaaraddu uga shaqaysay annaguna waxaanu taakulo tari karaynay waanu gaadhsiinay waanu kala shaqaynaynaa ilaa inta Ilaahay (SWT) inaga saarayo Abaarta iyo Cudurada Insha Allaahu Tacaala”
Sheekhu waxa uu Culimada dalka ku booriyey inay dadka ku wacdiyaan ilaalinta Nafaada iyadoo qeyb ka ah Imaanka “Waxaan dadweynaha ku boorin lahaa maadaama aynu dad islaama nahay ummad nadaafadeed nahay ummadii dhaqanka Ilaahay lagu soo dejiyey ay is nadiifiso aynu ahayn waxaanu leenahay walalayaal gacmaha awalba waynu maydhi jirnay oo wayso kasta waan ku maydhnaa, cuntadana waynu iska karinaa waynu naqaanaa oo ma cuno cunto qeydhin, lakiin biyaha waynu sahashana biyuhu goobaha ay inoo galeen roob ha geliyo ama booyado halagu shubee waxaa lagama maarmaana inaad dalbataan iyadoo ay wasaaraddu idinla garab taagan tahay biyo sifeeyihii (Chlorine) lagu sifaynayey biyaha in dhammaan baraagaha iyo baliyada lagu shubo biyo sifeeyahaas iyo (Chlorine) taas dadkuna biyaha ay soo qaateen iska karkariyaan oo biyuhu marka la kariyo jeermiskii la socday waa ka dhimanayaa waynu ognahay jeerkisku maanta waynagu farabadan yahay oo xoolaheenii baa bakhtiyey , xoolaheeniibaa gooryan ka dhashay, xoolaheeniibaa meelkasta daadsan markaa biyihii meesha aad filaysaan ee gacankaa mooyaane dhulkii kale oodhan bay kasoo dareerayaan dabadeena waxay ku dhacayaan meelkasta oo go’dan oo biyo inoo qaban jirtay, anigoo si gaara ula hadlaya culimo awdiinka qaranka iyo iimaamada iyo mu’adiniinta inay masaajidada jimcaha berito kaga hadlaan ay kusoo qaataan mawducfa nadaafada iyo safaynta baliyada, gacamada iyo dhulka biyo mareenka ah inay safeeyaan oo dadweynaha ku boorisaan u sheegtaan maadaama ay tahay masalo sharciya oo Diini ah oo Ilaahay (SWT) ina faray ( Al-Nadaafatul Minal Iiman) Ilaahayna nadaafada wuu jecelyahay waana nadiif Ilaahay”
Dhanka kale wasiiru dawlaha wasaaradda caafimaadka Maxamuud Jaamac Galaal ayaa xusay doorka ay ka wasaarad ahaan ku leeyihiin xakamaynta iyo la tacaalista xanuunka shubanka isala-markaana ay wasaaradoodu ku jirto xaalad heegan ah sidoo kalena waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyan Nadaaafada si ay Saxadu u wanagsanato Cudurada faafana looga hortago waxaana hadaladiisi ka mid ahaa sidan “Waxaanu ka soo baxnay shir, shirkaasi waxa uu daaranaa gar-gaarka degdega ah ee loogu talo galay in lagu xakameeyo cudurada ka dilaacay dalka siiba shuban biyoodka waxaanu aad ugu mahad celinaynaa Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadaba waxaanu si gaara ugu mahad celinayaa guddida abaaraha oo si weyn noola shaqaysay. Imika xaalad degdega ayaanu ku jirnaa roobab ayaa da’ay waxaanu leenahay biyaha halayska kariyo oo kiniinada ay wasaarada caafimaadku qaybinayso hala isticmaalo biyo mareenada iyo gacamadana bakhtiga xoolaha halaga duwo nimco kastaaba nusqaan lehe aynu ka taxadirno roobabkaas”.
Wa-bilaahi Tawfiiq
COMMENTS
|
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
-
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
More Wararka
|