Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo ku Eedeeyey inuu Ka Gaabiyey amnigooda.
April 29, 2017 - Written by
Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka inay dayacday amniga Xildhibaanada iyo shacabka, kaddib markii uu xalay ka bad baaday qarax lala beegsaday.
Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in qaraxii xalay aanay waxyeelo ka soo gaarin, balse labo ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.
Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxweyne Farmaajo xilligii uu ku guda jiray ololaha doorashada inuu balan qaaday in amniga Xildhibaanada uu iska xil saari doono, balse haatan ay muuqato dayacaad iyo is xil saarid la’aan.
“Madaxweynaha maalintii uu khudbada ka jeedinayay baarlamaanka, wuxuu noo sheegay in Amniga Xildhibaanada inuu iska xil saari doono, taa bedeleed waxaa muuqata dayacaad iyo iska xil saarid la’aan, balse nasiib darro ay tahay balamadii uu qaaday Madaxweynaha in maalinba maalinta shacabka ay ka sii niyad jabayaan, wal wal weyn laga qabo ka run sheegida balamada uu qaaday inuu fulin karo iyo in uusan fulin karin”ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ahaa dhalinyarada Baarlamaanka ku jirtay ee dooratay Farmaajo
Waxaa uu sheegay in amnigii uu faraha ka baxay, isla markaana magaalada ay ka dhacayaan dilal lagu qaarijinayo shacabka, waxaana uu intaa ku daray inay ka cabsi qabaan in xaalada ay sidan ka sii darto.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in ololihii doorashada ku galay balamo badan oo fara badan, kaasoo haatan ay muuqato in qaarkood aanu fulin, waxaana dad badan is weydiinayaan waxa iska bedelay balan-qaadkii faraha badnaa ee Madaxweynuhu sameeyay intii uu ololaha ku jiray.