Dagaal culus oo Xalay ciidamada Somaliya iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhex maray Galgaduud
September 7, 2016 - Written by

Dagaal culus oo  Xalay ciidamada Somaliya iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhex maray Galgaduud.

Bud-Bud(GLN)_Wararka ka Imanayaa Gobolka Galgaduud  gar ahaan Deegaanka Bud-Bud ayaa sheegayaa in Xalay Dagaal culus u  dhex Maray ciidamada somaliya  iyo kooxda  Al-Shabaab,kadib markii ciidankii Itoobiya ee AMISOM ay ka guureen shalay gelinkii dambe Deegaankaasi.

Dagaalkan oo qaatay muddo 8 saac, ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inuu dagaalka ku bilowday madaafiic  ay Kooxda Al-Shabaab ku garaacday deegaanka.

Intaas kadib ayaa kooxda Al-Shabaab dagaal ku soo galeen deegaanka, waxa labada dhinacba  dhex maray dagaal fool ka fool ahaa, kaasoo khasaare kala duwan geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in illaa 10 Qof  ay ku dhinteen dagaalka oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada  dowladda somaliya  iyo dad rayid ah, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Lama oga khasaaraha kooxda Al-Shabaab ka soo gaadhay dagaalka, hase ahaatee ciidanka dowladda somaliya ayaa markii dambe isaga baxay deegaanka Bud-bud, iyagoo u ruuqaansaday deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay aheyd halkii ay qabteen Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Bud Bud.

Deegaanka Bud Bud ayaa ciidamada Itoobiya u aheyd Talis ciidan, waxaana inta badan deegaankaas aheyd meelaha weerarada kaga qaadi jireen kooxda Al-Shabaab ku sugnaa Galgaduud iyo Hiiraan.

COMMENTS