HARGEYSA: SHAQAALAHA DAWLADA OO BERRI LA FASAXAY
April 30, 2017 - Written by

-Hay’adda Shaqaalaha dawladu iyadoo tixraacaysa xeerka shaqaalaha dawlada waxay berito oo ku beegan Isniin taariikhduna tahay 01/05/2017 Iclaaminaysaa in ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladu ka nasan doonnaan maalin hawleedkoodii shaqo iyadoo ku beegan maalinta shaqaalaha aduunka

– Dhamaan shaqaalaha dawlada waxaan u rajaynayaa nolol cizi iyo caafimaad le iyo aakhiro darajo iyo dembi dhaaf le, waxaanan ugu hambalyeynayaa hawsha adag ee ay hagar la‘aanta u hayaan.

– Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Gudoomiye-ku-xigeenka, guddida sare ee hay’adda shaqaalaha iyo hawl-wadeenada Hay’adda shaqaalaha dawladu waxay shaqaalaha dawlada u rajaynayaan shaqo sharaf le iyo qaran qurux badan.

Wa Bilaahi Tawfiiq
Sharmaake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL

COMMENTS