War Deg Deg ah:Wasiirkii Howlaha Guud Ee Xukumada Soomaaliya oo caawa lagu dilay magalada Muqdisho
May 3, 2017 - Written by

Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa goor dhoway lagu dilay magaalada Muqdisho, Wararka hor dhac ah ayaa sheegaya in Wasiirka lagu dilay agagaarka Madaxtooyada vila soomaaliya, xilli uu saarnaa gaadhiga.Sidoo kale waxaa la sheegayaa in gaadhiga uu saarnaa ay rasaaseeyeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka shakiyay gaadhi uu watay.Wararka ayaa intaa ku daraya in Gaadhiga Wasiirka saarnaa oo ahaa kuwa raaxada uu ku dhowaaday gaadhi kale oo ay saarnaayeen ciidamo hubeysan oo ilaalinayeen Masโ€™uul ka tirsan dowladda.Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda SoomaaliyaEng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka ay rasaas ku fureen ciidamo, baaritaan uu socday.Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay ciidamadii dilka ka dambeeyay, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Ilaalada Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

 

COMMENTS