War Deg Deg ah; Masuul ka Tirsan Xukumada Somaliland Oo Is casilay.
May 4, 2017 - Written by
Guddoomiyihii Hay’adda Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Xukuumadda Somaliland  Axmed Muxumed Madar ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu Hayay xukuumadda.

 is-casilaadda guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga ayaa ka dambaysay ka dib markii ay maalmo uun ka hor uu madaxweynaha somaliland kulan la yeeshay hanti dhawrka guud, xeer ilaalinta iyo komishanka maamul wanaaga kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay hantida qaranka u suggi lahaayeen wakhtiga kala guurka.

COMMENTS