Ururka Al-Shabaab oo askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya ku gowracay duleedka Deegaanka Biyo Cadde.
May 6, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in labo ka tirsan ciidamada Milateriga lagu gowracay meel u dhow deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay labadan askari kala dageen gaari rakaab ah oo ay ka soo raaceen deegaanka Biyo Cadde, kuna soo wajahnaa magaalada Jowhar.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in labada askari ee la gowracay ay ka kala tirsanaayeen Guutada 1aad iyo 2aad ee ciidanka xoogga dalka.

Labada askari ee la gowracay ayaa lagu kala magacaabi jiray Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yaacquub, waxaana la sheegay in iyagoo aanay war gelin talisyadooda ka soo tageen deegaanka Biyo Cadde.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyadoo weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanada gobolkaas

COMMENTS