Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Meyraaley Ee gobolka Sh/dhexe.
May 7, 2017 - Written by

Iska horimaad hubeysan oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay deegaanka Meyraaley oo ka tirsan degmada Raage Ceele gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaadkan oo u dhexeeyay ciidamo galbinayay kolonyo gaadiid ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho iyo dabley hubeysan oo jidgooyoย  u tiil deegaanka Meyraaley oo ku taal xeebta badweynta Hindiya ay ku dhinteen afar ruux qof kalana uu ku dhaawacmay.

Afarta ruux ee ku dhimatay iska horimaadkan ayaa la sheegay inay ahaayeen dableydii jidgooyada u tiil iyadoo aysan jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay iskahorimaadkan.

Wadada marta xeebta badweynta Hindiya ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa yaal jidgooyooyin ay dhigtaan dabley hubeysan iyadoo mararka qaarkoodna ay ka dhacaan iskahorimaad sababa ย dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan iskahorimaadkan dhaliyay qasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

COMMENTS