Kuuriyada Waqooyi oo Qabatay Basaas Maraykan ah (xogta Dunida)
May 8, 2017 - Written by

Xukuumada Waqooyiga Kuuriya ayaa maanta oo Isniin ahayd waxa ay qabteen nin u dhashay Dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Kim Hak Sung, waxana ay ku eedeeyeen inuu hawlo basaasnimo ka fulinayey Gudaha Kuuriya.

Eedaysanahan ayaa noqonaya qofkii Afraad ee maraykan ah ee lagu eedeeyo inuu waday hawlo ka dhan ah Qaranimada Waqooyiga kuuriya, waana bare wax ka dhiga jaamacadda Pionang ee culuunta iyo Tiknoolajiyada.
Sida la ogyahay sadex qof oo kale oo u dhashay Dalka Maraykanka oo mid ka mid ahi jaamacaddaa lafteeda bare ka ahaa ayaa hore loogu xidhay Wadanka Waqooyiga Kuuriya, tan iyo sanadkii hore, kuwaas oo dhamaantood u eedaysan hawlo basaasnimo.
Hussein Kurdi

COMMENTS