Weerar ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay xero ciidan ku taal Magalada Kismaayo.
May 12, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qof xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore xero ciidan ku taal magaalada.

Qofkan xirnaa jaakadaha qarxa ayaa doonayay inuu gudaha u galo xero lagu tababaro Ciidamada oo lagu magacaabo Xero Congo, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa is hor taagay inuu gudaha u galo.

Wakaalada wararka ee SONNA ayaa shaacisay in qaraxa uu ku dhintay hal qof, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ka dhaca Kismaayo ayaa ah mid kooban, maadaama magaalada ammaankeedu yahay mid adag.

La soco wixii warar ee ku soo kordha qaraxa ismiidaaminta ee Kismaayo ka dhacay.

COMMENTS