Gaadhi laga shakiyey oo waxyaabaha qarxa saarnaa oo ku qarxay degmada Wadajir Ee Magalada Muqdisho.
May 17, 2017 - Written by

Wararka laga helayo degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa saarnaa oo ay ka shakiyeen Ciidamada Ammaanka uu qarxay, iyadoo saacado ay ku hareereysnaayeen ciidamada.

Gaarigan ayaa la sheegay inay wateen labo dhalinyaro ah, waxaana ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo daba socday ay ku hareereeyeen xaafad ka tirsan wadajir, hase ahaatee labada nin ayaa gaariga ka degay oo baxsaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay toogteen mid ka mid ah raggii watay gaariga, halka mid kalena uu baxsaday.

Gaariga oo yaallay meel wado jid cade ah oo ku taal xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir ayaa markii dambe qarxay, iyadoo dadkii ka ag dhowaa goobtana lagu soo wargeliyay inay ka fogaadaan gaariga qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askar ay ku waxyeeloobeen qaraxa ka dhashay gaariga ay ku hareereysnaayeen ciidamada.

Xaalada degmada Wadajir ayaa saaka aheyd mid kacsan, hase ahaatee waxaa markii dambe ay xaalada ku soo laabatay mid caadi ah, markii gaarigu qarxay.

Waa gaarigii labaad oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen oo ay fashliyaan ciidamada ammaanka, todobaadkan gudihiisa, maalin ka hor ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa saarnaa oo la dhigay meel u dhow guriga Hooyooyinka uu qarxay, kaasoo aan wax khasaare ah geysan, waxaana ciidamada ay qabteen labo nin oo watay gaarigaas qarxay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

COMMENTS