Lixdan ku dhimatay weerar ka dhacay Libya
May 20, 2017 - Written by

Dowlada uu caaalamku taageero ee dalka Libya ayaa shaqada ka joojisay wasiirkii gashaandhidga ee Libya si baaritaan loogu sameeyo weerar lagu qaaday saldhig milateri oo ku yaala koonfurta dalkaasi, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.

Inta badan dadka weerarakani ku dhintay ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayeen ciidamo ka madax banaa milateriga dalkaasi oo aana aqoonsaneyn dowlada uu caalamak taageero.

Ciidamada la weeraray ayaa saldhigaasi milateri gacanta ku hayay tan iyo bishii Desembar ee sannadkii hore.

Ciidamada weeraray saldhiga Brak Al-Shati ayaa waxay ahaayeen ciidami ku howlgalayay magaca Qaramada midoobay ee jooga caasimadda Tripoli. Balse ciidamada ay is hayaan ayay ku edeyeen inay dileen askar iyo welibo dad rayid ah oo ka howgala koonfurta dalka Libya.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa beeniyay inay amreen weerarkani, waxaana ay shaqadii ka farisiyeen wasiirkii gashandhiga iyo taliyihii ciidamada weerarka fuliyay.

Guddi loo xil saaray inay ka soo talabixiyaan weerarkani ayaa haatan heysto muddo labo isbuuc ah oo ay xaqiiqda weerarkani ogu soo gudbiyaan Ra’iisul wasaaraha, waxaana hadda ay ka sal gaarayaan ciddii ka dambeysay weerarkani

COMMENTS