Real Madrid oo ku guuleysatay Horyaalkii 33aad ee La Liga-ha Spain (Sawirro)
May 22, 2017 - Written by

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay Horyaalka La Ligaha Spain, markeedii 33aad, iyadoo xalay ka badisay kooxda Malaga oo ay ugu adkaatay 2-0.

Real Madrid ayaa u baahneyd kaliya hal dhibic, si ay horyaalka ugu guuleysato, waxaana labada gool ee ay ku badiyeen u kala dhaliyay Ronaldo iyo Benzema.

Macalinka Real Madrid Zidane ayaa kooxdiisa u qaaday horyaalkiisii u horeeyay, tan iyo markii sanadkii hore uu qabtay xilka Tababarnimo.

Real Madrid ayaa koobka ku qaaday saddex dhibic oo nadiif ah, waxaana ay heshay 93-dhibcood, halka Barcelona ay heshay 90 dhibcood.

 

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambeysay Horyaalka Spain sanadkii 2012, waxaana ay kooxda xilligan joogtaa Finalka Koobka Champions League oo ay isku soo hareen kooxda Juventus.

COMMENTS