Xukuumadda Somaliland Iyo Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Oo Qasriga Madaxtooyadda Kulan Ku Yeeshay Maanta
May 22, 2017 - Written by

Hargeysa(GLN)Xukuumadda Somaliland, iyo Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta qasriga Madaxtooyadda ee caasimada Hargeysa.

Kulanka oo laba geesood ahaa ayaa waxa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha
hawlaha saxaafadda, cabashooyinka jira iyo sidii waxa looga qaban lahaa.

Shirkan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo shir balaadhan oo maalinta salaasada loo qaban doono, sadexda qaybood ee xukuumadda, garsoorka iyo guud ahaan saxaafadda dalka ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil kale iyo xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa ay labada dhinac si qoto-dheer uga wada hadleen Saxaafadda iyo hawlaha ay hayso, caqabadaha haysta iyo sidoo kale khaladaadka ay saxaafaddu ku dhacdo iyo sidii dhamaan arrimahaasi wax looga qaban lahaa, looguna diyaar garoobi lahaa shirka maalinta arbacada ka dhici doona Madaxtooyadda.

Wasiirada xukuumadda ee kulankaasi saxaafadda la qaatay wax aka mid ahaa, wasiiradda warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, xidhiidhka goleyaasha iyo technology-yada, Cali Xaamud Jibriil, wasiirku xigeenka madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Yuusuf Cabdilaahi Kaahin iyo taliyaha ciidanka booliska sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

Freelance;Journalist

Hargeysa/somaliland

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

COMMENTS