Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
May 23, 2017 - Written by

Illaa 19 ruux ayaa ku geeriyootay qarax weyn oo xalay ka dhacay goob ka socotay ruwaayad oo ku taala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Qaraxan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo qof xirnaa jaakadaha qaraxa uu isku qarxiyay afaafka hore goob uu ka socday bandhig dhinaca heesaha.

Goobtan ayaa waxaa heeso ka qaadeysay Fanaanada reer Mareykan ee lagu magacaabo Ariana Grande, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay illaa lixdameeyo ruux.

Waxaa la xiray dhamaan goobaha laga raaco tareenada, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dambi baarista.

Raโ€™iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in qaraxan ay ula macaamilayaan mid argagixiso, waxaana ay sheegtay in wal wal iyo naxdin ku abuuray dadka UK.

 

Ciidamada kala duwan ee Britain ayaa heegan la geliyay, waxaana la adkeeyay ammaanka goobo muhiim ah oo ku yaala dalkaas.

Waa qaraxii labaad ee ugu dhimasho badnaa oo ka dhaca dalkaas, sanadkii 2005 ayay aheyd markii qarax dad badan ku dhinteen uu ka dhacay magaalada London.

COMMENTS