Dagaalo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose
May 25, 2017 - Written by

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeyeay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaanka Nambar 50 iyo Muuri, waxaana ay daba socdeen dagaalo horay uga dhacay deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanadaas, inkastoo ciidamada dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay soo gaartay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ka dileen dagaalka 6 dagaalyahan, 2 dagaalyahan ay nolosha ku hayaan. waxaana ciidanka dowladda ay soo gaartay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weerar ku hayay Tuulootinka u dhaxeeya Shalanbood illaa Nambar 50, waxaana lagu eedeeyay inay tuulooyinka qaar ay gubeen.

COMMENTS