Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magalada Muqdisho.
May 29, 2017 - Written by

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kaddib xanuun deg deg ah oo shalay gelinkii dambe ku soo booday.

Axmed Abroone Amiin ayaa ahaa Guddoomiye kuxigeenkii Baarlamaankii Carte lagu soo dhisay, waxaa xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde.

Wiil uu dhalay Marxuumka ayaa warbaahinta u sheegay in aabihii uu xalay saqdii dhexe isbitaalka ku geeriyooday, kaddib xanuun deg deg ah oo ku soo booday.

Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin ayaa soo noqday Xildhibaan dowladdii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti, waxaa uu ahaa Guddoomiye kuxigeen Baarlamaan.

Sidoo kale waxaa uu muddo 100 maalmood uu dalka ka ahaa Ku sime Madaxweyne, iyadoo tan iyo sanadkii 2000 aanu ka bixin dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho la qeybsanayay duruufaha kala duwan

Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin ayaa maanta lagu aasayaa magaalada Muqdisho.

COMMENTS